Wararka

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda daah-furka wuxuuna sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga.

Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaq dhanka isu soo dhawaashaha ka samaynayso dibada iyadoo shalayna ay xukuumada samaysay guddi isku dhaf ah oo ay ku dhanyihiin masuuliyiin kasocota dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close