Wararka

Magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay shirweynihii shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Raiisul wasaare ku-xigeynka xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaan maanta magaalada muqdisho ka daah furay shirweynihii shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Waxaa furitaanka Daahfurka shirweynaha waxbarashada goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka DRS. Foosiya Abiikar Nuur, wasiiro ku xigeeno, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay xoojinta nidaamka waxbarashada iyo sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho oo dhameystiran.

Raiisul wasaare ku-xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya in ay go’an tahay muhiimadda Horumarinta waxbarashada dalka waxaa uuna amaanay madaxda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirweynaha shanaad ee dib u eegista waxbarashada dalka iyo qorshaha u dagsan wasaaradda ayaa u mahadceliyay dhamaan intii kasoo qayb gashay shirka.

“Waxaa maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo laba maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii kasoo qeyb gashay shirkaan oo ugu horreeyo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS, Wasiirada, Xildhibaanada, Deeq bixiyeyaasha, Safiirada, Marti sharafka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan”.ayuu yiri wasiir Godax Barre.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda iyo waxyaabaha dhameys tirka u baahan.Image may contain: 16 people, people standingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table, crowd and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close