Wararka

Magaalada Muqdisho oo lagu sagootiyay 22 dhalinyaro deeq waxbarasho ka helay dowlada Itoobiya.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu qabtay Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 22 dhaliyaro ah oo ka kala socotay hay’adaha kaladuwan ee dowladda oo deeq waxbarasho ka heley Dalka Itoobiya gaar ahan Jaamacadda shaqalaha dowladda Itoobiya 2019/2020.

Munaasabadda ardayda lagu sagootinayay Waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Safiirka Ethiopia ee soomaaliya Amb. Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf ayaa shegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir,ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya deeqdan waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta xaflad sagootin ah u samaynay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo Deeq waxbarsho ka helay Dalka Ethiopia gaarin ahaan jaamacadda shaqalaha dowladda itoobiya 2019/2020.

Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 19 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 4 people, suitImage may contain: 5 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close