Wararka

Magaalada Baydhabo oo laga daahfuray Shirka Wadatashiga Qorista Qorshaha Hormarinta Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Madoowe Nuunow Maxamed ayaa Daahfurey Shirka Wadatashiga Qorista Qorshaha Hormarinta Koonfur Galbeed kaasi oo Muhiimadiisu ay tahay Hormarinta Deeganka iyo Bulshada Koonfur Galbeed Waxaana Shirka ka Qeybgalay Wasiiradaha Wasaaradaha Cafimaadka,Ganacsiga,Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Kaluumeysiga,Maamulka Gobolka Baay Kan Degmada Baydhabo iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.

Qaar kamid ah ka Qeybgaliyaasha Shirka Ayaa soo Bandhigay Baahiyaha ka jira Degmada Baydhabo iyo Guud ahaan Degaanada koonfur Galbeed Waxayna Tilmaameen in loo Baahanyahay in Waxlaga Qabto Baahiyahaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Ali Wardheere Abdirahman iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa ka Hadlay Baahiyaha Ka Jira Baydhabo Dhinaca Wadooyinka Solarada iyo Dhibaatada Barakacayaasha haysta Xiliyada Jiilalka iyo Roobabka oo So Wajahda Dhibaatoyin Daran Waxayna Soo Dhoweyeen Shirkan looga hadlaayo Qorshaha Hormarinta Koonfur Galbeed oo ay Wado Wasaarada Qorshaynta.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Madoowe Nuunow Maxamed ayaa ka Hadlay Muhiimada Shirkan Wasaaradiisu ay Marti Gelinayso.Image may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, textImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 5 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close