Wararka
Magaalada Baladweyne oo lagu soo gaba gabeeyay shirka wadatashiga Qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad.
Waxaa maanta Magaalada Baladweyne ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeeyay Kulan wadatashi ah oo ku aadan qorshaha horumarinta qaranka ee 9-aad waxaana kulan soo qaban qaabisay wasaaradda qorsheynta ee xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Kulankaan oo ay kasoo qayb galay xiriiriyaha wasaaradda qorsheynta dowlada federaalka Soomaaliya, wasiirka qorsheynta dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiran iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ugu horeen waxaa madasha ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiran, Xasan Ibbrahaim Cabdulle waxaa uuna sheegay in ay aragtidooda ku darsadeen qorshaha horumarinta qaranka 9-aad ayna dowlada ka codsadeen in laga caawiyo dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, Amniga iyo adeegyada Aas-aasiga ah.
xiriiriyaha wasaaradda qorsheynta dowlada federaalka Soomaaliya, Saciid Maxamuud Ahmed ayaa sheegay in ay dhagaysteen dhamaan aragtida kala duwan ee ay u soo jeediyeen ka qayb galayaasha Kulanka ayna wax ka qaban doonaan cabashada ay u soo gudbiyeen.