Wararka

Madxaweyne Puntland oo faahfaahin kabixiyey Shirkii Iskaashiga DFS Iyo Dowlad goboleedyada  xubnaha ka ah DFS.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey Shirkii Iskaashiga ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada  Xubnaha ka ah DFS. Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada shirka ay ahayd in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, balse waxaa uu sheegey in aysan jirin wax is afgarad ah isagoo sabab ugu dhigay in loo bahday waqti dheeri ah.

“Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”.Ayuu yri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidokale ka warbixiyay waxayaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubanaha ka ah DFS isagoo sheegay in cabashadii ugu badneed ee ka timid madaxda maamulada ay aheed in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho.

“Dowladdaha xubanaha ka ah DFS waxay si cad u sheegeen in  masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”.

Madaxweynaha Puntland  ayaa baaq u diray Madaxda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, waxaa uuna u sheegay madaxda in ay ka shaqeeyaan midnimada ummada Soomaaliyeed, sidoo kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda in ay wada hadlaan xitaa haddii ay kala aragti duwan yihiin oo waxyaabaha laisku afgaran waayo dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen.

Ugu danbeyn Madaxweyne Dini ayaa ka hadkay Iskaashiga cusub ee ay layeesheen maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, isaga oo sheegay in xiriirkaan cusub ay kaga faa’iideysaniyaan in wada shaqeeyn lahelo.

“Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn lahelo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”.Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close