Wararka
Madxaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Bulshada ku dhaqan Degmada Xarfo.
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu halkaas kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa madaxweynaha Munaasabadda kuwehlinaayay maamulka gobolka Mudug, kan Degmada Xarfo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, iyo saraakiil ka tirsan Madxatooyada.
Madaxweynaha ayaa bulshada magaalada kala hadlay sidii ay u samayn lahayeen horumar ku dheehan isku-tashi iyo wax-wada-qabsi iyagoo mideysana ay u horumariyaan degmadooda, sidoo kale madaxweyne Dini ayaa sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay inay kala qayb qaadato dedaalka iyo horumarka ay wadaan maamulka Xarfo iyo shacabka magaaladaasi.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Shacabka Xarfo la hadlayey ayaa ugu mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee ay su mayeeyeen.