Wararka
madaxwyne Lafta Gareen oo guddoomiyay Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku yeesheen magaalada Baydhabo.
wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Issakh Calasoow ayaa ka warbixiyay xaaladaha amaan ee deeganada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed sidoo kale waxaa uu ka warbixiyay weeraro qorshaysan oo ay ciidamada dowlada ka fulinayeen deeganada hoos yimaado Koonfu Galbeed.
sidoo kale wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdirahmaan Cismaan Malaaq ayaa isna laga dhagaystay heerka waxbarashada deeganada Bay iyo Shabeelada Hoose waxaa uuna sheegay in ay sare u qaadantay heerka waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isagoo tusaale u soo qaatay Tirada Jaamacadaha ka furmaayo magaalada Baydhabo.
madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa u mahadceliyay dhamaaan golahiisa wasiirada sida wanaagsan ee ay shaqada u wadaan waxaa uuna hay’addaha sama-falka ka codsada in ay garab siiyaan dadka barakacyaasha ah ee ku nool deeganada Koonfur Galbeed.