Wararka
Madaxwynaha Jubbaland Oo Kormeer Dhiira Galin ah Ugu tagay Ciidamada Ku Sugan Aaga Dagaal Ee Degmada Afmadow.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamada u diyaar garoobaya howlgalka Ka Dhan ah Xarakada al-shabaab Oo Ay ka Mid yihiin Ciidamadii ka howlgalayay aaga Degmada Afmadow kuwaas oo uu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen.
Axmed Madoobe ayaa Sheegay in DegmadaAfmadow isbadal lagu samayndoono oo Maamul Ra’yid ah loo samaynayo iyadoo Ciidamadii fadhigoodu uu ahaa Degmada Afmadow Sheegay In shaqooyin ay u tagi doonan meelo kale.
Madaxweynaha Axmed Madoobe Ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan ka Dhanka ah Al-shaabaa fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan .
Axmed Madoobe Ayaa Ugu Dambeyntii Sheegay in Xarun Cusub oo tababar la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo Isagoona Xusay In Dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland