Wararka
Madaxweynihii Tunisia oo Geeriyooday.
Madaxweynaha dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa maanta Isbitaal uu leeyahay ciidanka Militiriga dalkaas ku geeriyooday.madxweynahaan ayaa dhowr mar hore waxaa Isbitaal loo jiifiyay caafimaad daro.
Madaxweyne Beji Caid Essebsi ayaa ku geeriyooday da’da 92 sano waxaa uuna ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimuquraadiyad ah loogu soo doorta dalkaasi Tunisia.
Madaxweynahaan ayaa dalkaasi doorasha qof iyo codkiisa ah geeyay xili uu ahaa Ra’iisal wasaaraha dalka Tunisia, waxaa kala oo lagu xasuustaa in uu heshiis dhexdhigay dhaq-dhaqaaqii uu isaga hogaaminaayay iyo Xisbi Islaami ah isagoo jawi dagan galiyay dalkaas.