Wararka
Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya oo la dilay.
Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen, ayaa u geeriyooday dhaawac xalay kasoo gaaray Afgambigii lagu doonaayay in xilka looga tuura sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.
Afgambigaasi dhicisooway ayaa sidoo kale waxaa lagu togtay Taliyihii ciidanka dalkaasi Itoobiya Seare Mekonnen waxaana tuugashada u gaystay mid kamida ilaalidiisa qaaska ahaa sida uu xaqiijiyay ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.
Ra’iisal wasaare Abiy ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi lagu dilay saraakiil sarsare xili ay lahaayeen shir.
Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in Afgambigaasi uu ka soo horjeeda Dastuurka Dalkaasi Itoobiya ayna talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan dadkii ka danbeeyay Afgambigas.
Taliyaha Ciidamada Amaanka dowlad deeganka Amxaarada Asaminew Tsige ayaa lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay Isku daygaasi dhicisooway ee lagu dilay taliyihii ciidamada dalka itoobiya Seare Mekonnen, Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo saraakiil kale.
Dr. Abiy Ahmed ayaa markii uu xafiiska la waregay sameeyay isbadalo badan isagoo isku soo dhabeeyay shacabka dalkaasi iyo ciidamada militiriga dalka Itoobiya.
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa soo daayay maxbuus badan oo in mudda ku xirnaa xabsiyada dalkaasi, waxaa uu horumar ka sameeyay ganacsiga dalkaasi, waxaa uu dib u heshiisiin la galay dowlada Eretria isagoo xaduudkii xirnaana isku furay.
Sikastaba, Ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa cadaadis badan kala kulmaayo qoomiyada Tigreega taas oo dalka horey ugu talin jirtay.