Wararka
Madaxweynihii hore ee Tanzania oo geeriyooday.

Madaxweynihii hore ee Tanzania Benjamin William Mkapa ayaa geeriyoday isagoo 81 sano jir ah sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli.
Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Tanzania Benjamin William Mkapa uu maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yalla Dar es Salaam halkaas oo xanuun aawadiis loo seexiyay.
” waxaan ogaysiinayaa dhamaan muwaadiniinta reer Tanzania dimashada Madaxweyne Mkapa waxaana idin ka codsanayaa inaad u soo ducaysaan. Wixii Aqbaar ah waan idin la soo wadaagi doonaa balse Oday Mkapa ma sii jiri doona” ayuu ka sheegay madaxweyne John Magufuli Muuqaal baahiyaha dalkaasi.
Sidoo kale madaxweynaha Tanzania waxaa uu ku dhawaaqay toddobaad Baroor diiq ah, inta ay baroor diiqda socotana waxaa hoos loo dhigi doonaa dhamaan Calanka dalkaasi ee gobolada Tanzania oo idil.
Madaxweyne Mkapa ayaa dalkaasi soo hoggaaminaayay 1995 tii ilaa 2005-tii ka hor inta uusan xukunaka ku wareejin Jakaya Mrisho Kikwete.
Madaxweyne Mkapa waxaa uu dhashay 12-kii bishii November, 1938.