Wararka
Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xassan Al-bashiir oo xabsi loo taxaabay.
Madaxweynihii Suudaan ee xilka laga xayuubiyay Cumar Xassan Al-bashiir ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee lagu magacaabo Kuubar ee dhaca bartamaha Caasimadda Khartoum.
Al-bashiiir ayaa isla xabsigaas ku xiri jirey dadka mucaaradka ku ahaa dowladiisa.
Sida ay baahisey Warbaahinta CNN Al-Bashiir ayaa xabsiga loo dhaadhiciyay galabnimadii Shaley iyadoona si wayn loo adkeeyay amnigiisa.
Mar sii horeysey Dowladda Ugandha ayaa ku dhawaaqdey in ay magangalyo siineyso Al-Bashiir iyo Qoyskiisaba hadii uu soo dalbado.