Wararka
Madaxweynihii hore ee Soomaliya, Sheeq Sharif oo kulan la yeshay Dubabka dhaqanka Hirshabelle.

Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo dhaqanka bulshada reer HirShabelle.
Madaxwayne Shariif oo labo jeer safar ku tagay magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle muddo toddobaad ah ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiin uu ugu horreeyay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee HirShabelle Maxamed Cali Caadle, Taliyihi hore ee Nabad sugidda Qaranka Sanbaloolshe, waxgaradka, duubabka iyo dhaqanka deegaannada HirShabelle.
Shirka ayaa waxgaradki iyo siyaasiyiinti kasoo qaybgalay waxay Madaxweyne Shariif iyo guud ahaan Madasha Xisbiyada Qaran uga mahad celiyeen dadaalka ay ugu jiraan dhismaha HirShabellada labaad oo la isla ogolyahay.