Wararka

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Oo Maanta Soo gaaray Muqdisho.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, Thabo Mbeki, ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hor kacaya Thabo Mbeki, ayaa waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Kahor socdaalkiisa caasimadda Soomaaliya, Thabo Mbeki ayaa soo maray Caasimada Dalka Kenya Ee Nairobi halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda waddankaasi oo uu kala soo hadlay arrimaha gobolka.

Mbeki ayaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho saacadaha soo aadan, madaxweyne Farmaajo, ku simaha ra’iisul wasaaraha, hogaannka AMISOM iyo Qaramada Midoobay.Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: one or more people and people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close