Wararka
Madaxweynihii hore ee dalka oo si kulul ugu hadlay hadaljeedintii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Madaxweynihii hore ee dalka Xassan Sheeq Maxamuud oo maanta jir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa dareenkiisa ku aadan hadaljeedintii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ay shalay ka hor jeediyeen golaha shacabka waxaa uu ku dhaliiyay dowlada in ay waddo gaabis ku aadan in ay doorashada ku dhacda wakhtigeeda.
Xassan Sheeq Maxamuud ayaa hadalkii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Marwo Xaliimo Yareey ku tilmaamay muddo kordhinta ay sheegtay mid xambaarsan muddo kordhin kale.
“hadaljeedinta guddiga waxaa laga dhadhansa kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Ugu danben madaxweynihii hore ee dalka Xassan Sheeq Maxamuud ayaa madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay in wakhtiga u haray xukuumadiisa uu soo dhiso dowlad xilka kala wareegta mise si sharci ah isaga loogu soo doorta mar kale.
“Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga: Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin. Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.