Wararka
Madaxweyneha Ku-xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq.

Madaxweyne Kuxigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa maanta kulan la qaatay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq waxaana kulanka intii uu socday looga hadlay sidii xabad joojin rasmi ah oga dhaaqan gali la’heyd deeganka furinta Fooro oo dagaal beeledyo ku soo lab laabteen.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxaa kulanka ku wehlinaayay Ugaaska Guud ee beelaha Sade, Ugaas Maxamed ugaas keyse iyo Xildhibanada Galmudug ee ka soo jeeda Waqooyiga Galgaduud.
Sidoo kale waxyaabihii kulanka inta uu socday looga hadlay waxaa kamid ah; hormarinta Dagmada Cabudwaaq iyo soo dhisida Golaha deeganka Dagmada cabudwaaq.
Dhamaadka kulanka ayaa waxaa ay Golaha guurtida Dagmada Cabudwaaq baaq nabadeed u direen beelaha walalaha ah ee ku dagaalamay deeganka Furinta Foore.