Wararka

Madaxweyne Yoweri Museveni oo tababar u soo xiray Leyli Saraakiil oo ka soctay Soomaaliya.

Munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay Leyli Saraakiil oo muddo hal sano iyo bar tababar ugu socoday Dalkana Uganda ayaa maanta lagu qabaty Xerada tababarka ee Kabamba waxaana munaasabada ka qayb galay Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa markuu xarada tagay waxaa uu salaab sharaf ka sharaf ka qaatay Ciidamada waxaana munaasabada Goob joog ka ahaa Taliyaasha Ciidamada Uganda, Abaanduulaha Ciidanka Lugta ee Dowladda Soomaaliya, isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Diplomaasiin, Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata halkan iyo bulshada qeebaheeda kala duwan.

Sido kale Leyli Saraakiisha ee tababarka usoo idlaaday ayaa goobta lagu dhaariyay,sido kale Madaxweyne Yoweri ayaa abaalmarin gudoonsiiyay Saraakiishii kaalmaha horey ka galay mudadii uu tababarka socday. Waxaana qayb ka ahaa dadkii manta ku guulaystay abaakmarinta Haaruun oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa Saraakiisha ku booriyay inay mar walba dantooda ka hormariyaan danta dadkooda.

General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire  Abaanduulaha Ciidanka lugta iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cagabaruur) ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Tababarka loo soo xiray.

Saraakiishan tababarka loo soo xiray ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka Caalamigga ah ee Entebbe waxaana hoaray u raacay saraakiisha Abaanduulaha Ciidanka lugta General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire, iyo isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha Bashiir Axmed Maxamed waxaana garoonka ka sagootiyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamad Maxamuud (Cagabaruur).

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close