Wararka
Madaxweyne Xaaf oo xilka ka qaaday wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Galmudug
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle (Xaaf) ayaa xil-kaqaadis ku sameeyay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Galmudug. Waxa uuna amray in uu Xilka sii heyn doona Wasiiru Dowlaha Wasaarada inta laga magacaabayo Wasiir kale.
Madaxweynaha Galmudug Ahmed Ducaale Gelle ayaa Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Galmudug CabdiKaafi Maxamed Maxamuud ku eedeeyay amar diida iyo xil gudasha la aan waxaa uuna sheegay in inta laga soo magacaabaayo wasiirka Qorsheynta Galmudug uu xilka siihayndoona Cabdirahmaan Maxamed Cismaan, Wasiiru dowlada wasaaradda.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf: