Wararka
Madaxweyne Trump oo kulan la qaatay Madaxweynaha Ismaamulka Kurdistan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland oo uu kaga qayb galaayo shirka dhaqaalaha adduunka ayaa kulan doceed la yeeshay madaxweynaha Ismaamulka Kurdistan Nechirvan Barzani.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ka bixistii ciidamada Maraykanka ee Suuriya iyo howlgalladii ciidamada Turkiga ee gobolka Kuriyiinta ee dalkaasi Suuriya uu u dhaqan galay si ka wanaagsan sidii loo arkay.
Madaxweynaha Ismaamulka Kurdistan Nechirvan Barzani ayaa Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ugu mahadceliyay taageeridii uu ciidamada Kurdistan ka siiyay la dilaaganka kooxda Dacish.