Wararka
Madaxweyne Trump oo ka hadlay dibad-baxyada Maraykanka ka socda.

Madaxweyna dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay banaanbaxyada ka socda caasimada dalkaasi oo ay dhigayan dibad baxyaal ka caraysan dilkii Georgy Flody ayaa sheegay in uu u digaalami doon difaacida muwaadiniinta Maraykanka.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in magaalooyinka ay dibad baxyada ka socdaan uu gayni doona ciidamada difaaca Maraykanka isagoo dhanka kale soo dhaweeyay dibad baxyada nabada watta ee ka socda maraykanka.
“waxan u dagaalami doonaa inaan idin difaaca, waxaan ahay madaxweynihiina ee sharciga ku yimid oo ah saaxiibka dhamaan dibad baxyaasha nabada wada” ayuu yiri Trump.
Dilka Georgy Flody oo 46 sano jir ahaa ayaa sababay banaanbaxyada ay dhigayaan shacabka maraykanka oo caddaalada u weydiinaayo in la soo taago shaqsiyaadkii dilkiisa ka danbeeyay