Wararka
Madaxweyne Qoor Qoor “wax walbo oo kala duwanaasha ahaa oo jiray waan ka heshiinay”.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi kaariye, iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali daahir Ciid oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan dowlada Faderaalka, Wasiiro iyo xilibaano ka tirsan Galmudug ayaa maanta Duleedka Godinlabe ku soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf).
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka Magaalada Caasimada Galmudug ee Dhuusa-Mareeb waxaa uuna hoosta ka Xariiqay in Galmudug ay leedahay Halmadaxweyne.
Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa sidoo kale sheegay in Maqnaashihiisi ay ka micna aheed in uu waday kulilaysi si nabada galmudug loogu dhigo gacan adag waxaa uuna xaqiijiyay in uu la shaqayn doona maamulka Cusub ee uu hoggaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi kaariye oo soo dhaweynta ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay ugu danbayso wax kasto oo khilaaf ahaa oo Galmudug ka tagnaa waxaa uuna intaasi ku daray in asaga iyo madaxweyne Xaaf ay gaareen heshiis taarikhi ah.
“Waxaan Rabaa inaan halkaan ka caddeeyo, wax walbo oo kala duwanaasha ahaa oo jiray waan ka heshiinay aniga iyo madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf). Khilaaf iyo tabasha Galmudug dhaxdeeda ah ku hartayna ma jirto” ayuu yiri madaxweyne Axmed Abdi kaariye.