Wararka

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar ugu Baxay Turkiga.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa galabta safar shaqo ugu amba baxay Dalka Turkiga.

Ka hor Inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan oo ku saabsan safarkiisa Turkiga.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.Image may contain: 5 people, people sitting, living room, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and suitImage may contain: 4 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close