Wararka

Madaxweyne Qoor qoor oo kulamo la qatay Wakilada Beesha calamka u joga Somalia.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamooto.

Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa isla maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in caasimada dalka lagu qabto Kulan u dhaxeen doona dowlada federaalka, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe iyo Gobolka Banadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close