Wararka

Madaxweyne Qoor Qoor oo garay Cabud-Waaq.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor-Qoor) iyo wafdi Ballaarran uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn heersare ah loogu sameeyey Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo ururada bulshada ayaa si wacan usoo dhaweeyey.

Kadib Soo dhaweynta loo sameeyay madaxweyne Qoor Qoor waxaa uu dadka shacabka ee reer Cabud-waaq uu kula hadlay goob fagaara ah waxaa uuna u sheegay u jeedka socdaalkiisa oo uu ku micneeyay mid nabadeed.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa shacabka Cabudwaaq ugu mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen waxaa uuna sheegay in ay yihiin dad dowladnimada jecel lagana doonaayo in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan maamulka degmada ilaa heer gobol.Image may contain: 3 peopleImage may contain: 7 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: 6 people, people standing, suit, wedding and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close