Wararka
Madaxweyne Qoor Qoor iyo Prof. Gaas oo kulmay.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoor qoor ayaa Madaxtooyada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Gaas oo maalmihii dambe ku sugnaa deegaanada Puntland ayaa hada waxaa uu ku sugan yahay Gobolka Mudug,Waxaana kulanka Gaas iyo Qoor Qoor ka qayb galay Xubno senetaro ah iyo wasiiro la socday madaxwayne Axmed cabdi kaariye.
Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee dalka iyo tan gobolkaba xili magalada galkacyo ay ka socdaan shirar kala duwan
Kulanka labada Masuul ayaa ku soo beegmaya xili Puntland iyo Jubbaland ay wali saluugsanyihiin qaabkay DFS wax ku wado iyo xisbiyadda dalka ku baaqeen dhawaan DFS inay wadahadal la gasho madaxda Maamul gobaleedyada.