Wararka

Madaxweyne Puntand oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada weyn ee magaalada Gaalkacyo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo kan Kubadda Cagta ee Cawaale.

Wadadaan uu madaxweeynaha xarigab kajaray ayaa waxaa dhistay shirkadda Kebarcol iyadoo si casriyeysana loo dhisay waxaa uuna dheerarkeeda dhanyahay 2.1km, madaxweynaha ayaana uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay dhismaheeda.

“Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay, Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”. Ayuu yiri Madaxweyne Dini.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac oo kormeerka madaxweynaha ku wehlinaayay ayaa ka warbixiyey kormeerka madaxweynaha isagoo sheegay in madaxweynaha uu dhagaystay cabasha ay soo gudbiyeen mas’uuliyiinta ka shaqayso garoonka.

“Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuurgalay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu”.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa faaf-fahiyay Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale.

“Madaxweyne Deni ayaa la kulmay guddiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Jama Dabaraani.Image may contain: 4 people, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 8 people, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 8 people, people smiling, people standing, sky and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, outdoorImage may contain: sky, car, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close