Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha dalalka Seerbiya iyo Kuuriyadda Koonfureed.
Danjirayaasha dalalka Seerbiya iyo Kuuriyadda Koonfureed u fadhin doona Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirnimo ugu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Famaajo ayaa mar ka hore warqadaha aqoonisga danjirnimo ka gudoomya danjire Dragan Zupanjevac oo ah danjiraha cusub ee dalka Seerbiya u qaabilsanaan doonaa Soomaaliya,waxaana kulan gaar ah ay wada qaateen madaxweyne Farmaajo iyo danjiraha cusub ay uga wada hadleen xiriirka labada dal.
Dhinaca kale isla madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadha danjirnimo ka gudoomay danjire Choi Yeonghan oo ah danjiraha dalka Kuuriyadda Koonfureed u fadin doona Soomaaliya.
Dalalka caalamka ayaa si wadajir ah u bilaabay in ay soo celiyaan xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya oo ku dhawaad 30sanno ku jirta dagaalo sokeeye,waxaana hadda magaalada caasimada ee muqdisho safaarado ku leh dalal badan.