Wararka
Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan la qaatay Qaatay Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka isagoo ugu waramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda.
Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku Somaliland u leeyihiin iyo sida uu u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba caqabadaha hor taagan doorashooyinka.
Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku ayaa Madaxweynaha xog ka siiyya wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.