Wararka
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Wejiga Labaad Ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland.
Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gar wadeyn ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland, ayaa waxa ka qaybgalay Xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee kala ah Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo diirrada lagu saaray muhiimadda ay mashaariicda wejigan labaad u leeyihiin Somaliland iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgalaan.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha Somaliland ka taageera dhaqaalaha in ay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed.