Wararka

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda Ee Dalka Masar.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga Somaliland.

Kullanka ay mas’uuliyiinta yeesheen ayaa waxaa looga hadlay adkaynta xidhiidhka Soomaaliland iyo dowlada Masar arrimaha ganacsiga, xoolaha, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliland.

Madaxweynaha waxaa kullankaan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar waxaa isna kullanka ku wehelinaayey safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif.

Warsaxaafadeed-ka ayaa lagu sheegay in weftigu uu ku sugnaan doonaana magaalada Hargaysa maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.Image may contain: 1 person, mountain and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 9 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, standing and indoor

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close