Wararka

madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb galay Aas qaran oo loo sameeyay Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe. Alle ha u naxariistee Marxuum

Magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaaliland waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay Marxuum Xaaji Cabdi-Waraabe oo maanta lagu aasay qabuuraha Toon ee duleedka Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kala oo isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro ayaa ka qaybgalay Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe).

Madaxweyne Muuse Biixi Abdi oo goobta ka hadlay ayaa Marxuumka Alle ugu baryay in uu Jannatul-fardowso galiya isagoo ku aamaanay shaqadii wanagsaneed ee uu u soo qabtay shacabka  reer Somaliland iyo guud ahaan inta Afka soomaaliga ku hadasha.

“Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.”

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo dhankiisa isna ka hadlay ayaa waxaa uu ku dheeraaday hogaamintii iyo wax qabatkii Marxuumka isagoo sheegay in uu ahaa halyeey qaran oo ku dayasha mudan.

Marxuumka ayaa waxaa cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, isagoo xubin ka ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda.Image may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, sky, cloud, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, wedding, child, sky and outdoorImage may contain: 21 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: sky, car, cloud, outdoor and natureImage may contain: 8 people, crowd, wedding and outdoor

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close