Wararka

Madaxweyne Lafta-Gareen oo xariga ka jaray Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlada Goboloeedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DFS Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa Xariga kawada Jarey Xarunta Cusub ee Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Koonfur Galbeed ee magaalada baydhabo.

Bankiga Horumarinta Afrika iyo Hay’adda IOM, ayaa Dhismaha Xaruntan ka qayb qaatay Waxaana Furayaasha Xarunta Lagu Wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta KGS Iimaan Cali Cabdi.

Furitaanka Xaruunta ayaa Waxaa Kaqeybgaley Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo Kamid ahaa Wafdiga Wasiir Fowsiyo Maaxmed Maxamed Sheekh ay hoggaaminaysay,kasi oo shalay garay magaalada Baydhaboka.

Madaxweynaha Dowlada Goboloeedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen iyo Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha DFS Fowziyo Maxamed Sheekh oo furitaanka xaruntaasi ka hadlay ayaa siweyn uga hadlay muhiimadda arrintan ay u leedahay bulshaad deegaanka in loogu adeego,iyadoo looga mahadceliyay Wasaarada Tamarta iyo Kahayraadka Biyaha oo ay hoggaaminayso Fowsiyo Maxamed Sheekh dowrkeedi ku aadan horumarint aadeegyada Tamarta iyo biyaah guud ahaan Dalka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close