Wararka
Madaxweyne Lafta-gareen oo Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta looga dooday Arimaha Amniga ‘Dhaqaalaha,Siyaasada, Hormarinta Bulshada iyo Ciribtirka Haraadiga Alshabaab ee ku Dhuumalaysta Deeganada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Isaag Ali Subag ayaa Ka Warbixiyey Xaalada Amaanka Guud ee Koonfur Galbeed Waxaana uu Amaanay Howlgalada Qorshaysan ee ay Fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka kuwa Darawiishta koonfur Galbeed oo Kaashanaya Saxiibada Soomaaliya ee AMISOM.
Axmed Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Laga Dhageystay Warbixin ku Aadan Kobcinta Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Dardar Gelinta Hanaanka Canshuuraha Waxaana uu Tilmaamay In Miisaniyada Dhaqaalaha Koonfur Galbeed ay Sii Kordhayso Taasi oona La Doonayo in lagu Samatabixiyo Bulshada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa Inta Uu Socday, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Uga Mahadceliyey Golaha Wasiirada Shaqada adag ee ay uhayaan Shacabkooda isagoona ku Dhiira geliyey inay Sii laba jibaaran ushaqaynta Shacabka ay Masuulka uyihiin.
Sidoo kale madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka warbixiyay Muhiimada Safarkii uu ku Tagay Dalka Jabuuti Isagoona Sheegey Safarkaas inuu ahaa Safar Guulo Wax ku Ool leh Waxaana uu Xusay in Dowlada Jabuuti Sida Ugu Dhow ay udhiseyso Dekeda Magaalo Xeebedka Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale in Ismaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti uu Balan Qaaday in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka Caawin Doonan Dhinacyada Amniga iyo Hormarinta Bulshada.