Wararka

Madaxweyne lafta-gareen oo sheegay inla soo qaban doona dadkii dilka u gaystay dadka kasoo jeeda maamulka koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ay yeeshaan Gollaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa uu ajandahiisa ahaa arimaha Amaanka ,Dhaqaalaha, Siyaasadda, waxaana warbixin ku Aadan Amniga laga dhageystay wasiir ku xigeenka wasaarada amniga gudaha koonfur galbeed Soomaaliya Isaaq Baarrow Isaaq wuxuuna ka warbixiyay howlgalada ay wadaan ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka socda gobolka shabeelaha hoose.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu Cambaareyay Dilalkii Shacabka Ka soo jeeda deeganada koonfur Galbeed loogu geystey Deegano hoos yimada Magaalada Dhuusmareeb.

Gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka koonfur Galbeed oo shirka marti ku ahaa ayaa isna warbixin ku aadan habsame usocodka shaqada siiyay golaha iyo madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa ugu horeen u tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii ay ka geriyooden dadkaas, waxaa uuna sheegay in lasoo qaban doona dadkii dilka u gaystay muwaadiniinta reer koonfur Galbeed iyagoo la kaashanaayo dowlada Galmudug lana horkeeni doona sharciga.

Image may contain: 1 personImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close