Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan cid kasto oo lug ku leh colaadda Wanlaweyn.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka hadlay Colaadda ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadda Wanlaweyn, isagoo colaadaasi ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close