Wararka

Madaxweyne Lafta-Gareen oo Magaalada Baydhabo ku daahfurey todobaadka isla xisaabtanka Dowlada iyo Shacabka Reer kgs.

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si rasmiah ugu furmay todobaadka isla xisaabtanka Dowlada iyo Shacabka Reer kgs.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaana daahfuray barnaamijkaan Isla xibsaabtanka Shacabka Iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay kala soo qayb galeen Gudoomiyaha Baarlamanka kgs, Wasiiro,Xildhibaano ,Saraakiisha kala Duwan Ee Ciidamada, maamulka Gobolka Baay ,ka Degmada Baydhabo, odayaasha dhaqanka , Ururada Bulshada Rayidka Magaalada Baydhabo.

Isla Xisaabtaankaan ayaa Loogu Magac darey Todobaadka Dowladda Iyo Shacabka Reer kgs iyadoo maalmaha  Uu Socodo Barnaamijkan Talo Soo jeedin iyo Su’aalo Lagu weydiin doono Wasiirada wasaradaha Dowlad Goboleedk koonfur Galbeed Soomaaliya ,uu ugu Horeeyo Madaxweynaha kgs.

Ugaas Xasan Abdi Maxamed Wasiirka warfaafinta Wacayigalinta Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sooomaaliya, ayaa ugu horeen Sharxay Todobaadka Dowladda Iyo Shacabka Reer kgs .

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Ayaa aad U amaaney Gollaha wasiirada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ,oo sheegey in ay Yihiin Wasiiro Duruufo kala duwan Ku shaqeya hada Diyaar u ah in ay la xisaabtamaan Bulshadooda ,ay waydiiyaan wixii u qabsoomey Mudadii xilka ay haayaan.

C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale goobta ka hadlay isagoo diiradda saaray waxyaabihii uga qabsoomey Arrimaha Amaanka ,Dhismaha Ciidamada Dowlad Goboleedka, Dhismaha Xaruumaha Dowlada ,kuwa danta Guud ,iyo Xiriirka Wanaagsan Beesha Caalamka Iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ,uu ka dhaxeeyo.Image may contain: 4 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people standing and suitImage may contain: 10 people, people sitting and crowdImage may contain: 1 person, standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close