Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo magaalada Baydhabo kaga qayb galay xuska maalinta addunka.

Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta qaxootiga addunka, iyadoo sidaasi jirta waxaa jira qaxooti badan oo soomaaliyeed kuwaax oo ku nool gudaha iyo daafaha caalamka.

Gudaha dalka ayaa maanta siweyn looga xusay maalinta qaxootiga addunka, waxaana kamida deeganada  laga xusay maalintaas magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen oo ay wehliyaan  Wasiiro, Maamulka Degmada Baydhabo,Saraakiisha Ciidamada AMISOM , Madax ka socota UN-ka iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda UNHCR ayaa ka qeyb galey Xuska Munaasabada Maalinta Qoxotiga Addunka.

Madaxa hay’adda UNHCR,qeybta koonfur Galbeed Soomaaliya ,Marta  ayaa sheegtay in ay waxbadan u qabteen Qoxotiga Ku dhaqan Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeen Hambaliyo udirey Dhamaanba Qoxotiga Addunka Meel waliba ay joogaan ,isagoona u Mahadceliyay Hay’adda Qoxotiga Addunka Shaqooyinka wanaagsan ay ka qabteen Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay dib u dajin u sameeyeen Qoysaska dib ugu soo Laabtay Deegaanada Koonfur Galbeed iyagoo kaashanaayo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Ugu danbeyn madaxweyne Lafta-gareen ayaa hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo deeqbixiyayaasha caalamka ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada aysiiyaan qaxootiga ku dhaqan deeganada koonfur galbed Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegay in ay xukuumadiisa ay xooga saari doonta sidii dib deeganadooda loogu celin lahaa dadka barakacyaasha ah ee kasoo cararay abaabara haleelay.Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, sky and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, beardImage may contain: 4 peopleImage may contain: 3 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close