Wararka
Madaxweyne Lafta-Gareen oo maanta gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Wafdigan uu hogaaminayey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxmed ( Lafta-Gareen ) ayaa manta booqday degmada xudur ee xarunta gobolka Bakool waxaana madaxweynaha MagaaladaXudur kusoo dhaweeyay mamulka gobolka, kan degmada, sarakiisha ciidanka, odeyaal, dhalinyaro iyo caruur iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Socdaalka madaxweynaha waxaa kuwehlinaayay qaar kamida wasiiraddiisa oo ay kamid ahayeen wasiiradaha wasaaradaha cafimaadka, maaliyada, amniga, Bay’adda, xildhibaano, taliyaasha ciidanka xooga dalka iyo kan darawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft- gareen ayaa salaam sharaf ka qaatay qaar kamida Ciidanka xooga dalka qeybta 60-aad guutada 9-aad gudaha garoonka diyaaradaha degmada xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft- gareen, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweynta balaaran ee ay u sameeyeen shacabka iyo madaxda degmada Xudur ugu mahadceliyay isagoo u sheegay in maalmaha uu joogo degmada xudur uu wax ka qaban doono baahiyaha ka jira degmada.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiirageliyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa daraawiisha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa uuna ku amaanay daddaalada ay ugu jiraan sugida amniga isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran sugida amniga.