Wararka
Madaxweyne Lafta-gareen oo kullan la qaatey Wafdi ka socoda Qaramada Midoobay Iyo Dowladda dhexe .
Wafdi isugu jiray Wakiilka Qaramada Midoobay Uqaaabilsan Arrimaha tacadiyadaha Ka dhanka Haweenka Ee Goobaha Dagalada Ka socoda iyo wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowladda Fedaralka soomaaliya ayaa Maanta garey Magaalada Baydhabo.
Wafdiga ayaa waxana Garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweyay Lataliyaha Madaxweynaha KGs Arrimaha Haweenka iyo wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DGKGS .
waxana intaasi ka dib kullan la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , Waxana Kullanka qeyb ka ahaa wasiirada wasaradaha Qorsheenta , Gar gaarka, Cadaaladda Iyo Garsoorka , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka KGS iyo Mas’uuliyiin kale ,
Intiisa Badan kullanka ayaa waxa looga hadlay Arrimaha Haweenka sidii Doorkooda Uga muuqan lahaa maamulada dalka.