Wararka
Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la qaatay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulan la Qaatay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Mohamed Ali Guyo.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Madaxda kasocotay IGAD Waxay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka Dib uheshiisinta iyo Sidii Tawabar ay u siin lahayeen Gudiyada Doorashooyinka Maadama maamulka Koonfur Galbeed ay Doorasho kusoo Wajahan tahay Dhawaan.
Safiirka IGAD u jooga Soomaaliya Amb. Mohamed Ali Guyo ayaa soo dhaweeyay Dib u heshiisinta Madaxweynaha Ka sameyey Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed ee udhaxeeyey Beelaha Walaalaha Dega Degmooyinka oo Khilaaf ka Jiray Waxayna Ku Booriyeen Inuu si Laba Jibaaro Dib Uheshiisinta.