Wararka
Madaxweyne Lafta-Gareen oo kulan la qaatay wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Hay”adda WFP.
Madaxa Hay”adda WFP Casar Arroyo iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo Manta Soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaliya waxaa ayna u jeedadiisa aheyd sidii ay u ogaan lahayeen Xaaladaha Kajira Deegnaadda Koonfur Galbeed Somaliya.
Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinaayay qaar ka tirsan Golahiisa wasiirada waxaana looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP isagoo kula dar-daarmay inay kordhiyaan Sidii Kaalmada Bini adan nimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.