Wararka

Madaxweyne Lafta gareen oo kulan la qaatay wafdi kasocda Ururka Caalamiga ee Socdaalka. IOM.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xarunta Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Ururka Caalamiga ee Socdaalka. IOM.

Kulankaasi oo ay goobjgayaal ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Axmed Madoowe Nuunow Maxamed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Cabduqadir Maxamed Baafo
waxa Diirada Lagu Sarayey Sidi IOM u kordhin lahayd Shaqada ay ka wado Gobolada Koonfur Galbeed, Waxaana aad loo falan qeeyey Sida ugu Haboon ee Wax loogu qaban Lahaa Arimaha Barakacayaasha Cafimaadka iyo Dardar Gelinta Mashariicda Dib u dhiska Magaaloyinka .

Madaxda Kasocotay Hay.adda IOM ayaa Balan qaaday inay Sii Kordhin Doonan Adeegyada Shaqo ee ay ka wadaan Koonfur Galbeed Waxayna Sheegen in Dadka Barakacayaasha ah ee Soo Wajahay Dhaxanta iyo Roobabka Deerta ah ee Ka unkaday Guud ahaan Dalka ay Kaalmo Deg deg ah ay lasoo Gaari Doonan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay.adda IOM Waxana uu bogaadiyey Shaqada baaxada leh ee ay kawadan Gobolada Koonfur Galbeed WaMadaxweynuhu waxa uu soo jeediyay in ururka uu istaago sidii ay Wax uga qaban lahayeen Arimaha Bini adanimada gaar ahaan tayenta Xarumaha Cafimadka Barakacayasha  iyo Kordhinta Mashariicda Dib u dhiska.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close