Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan la qaatay Safiir Ku Xigeenka Dowlada Jermalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Lafta-gareen)  oo Maalmahan kusugan  caasimada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Safiir Ku Xigeenka Dowlada Jermalka iyo Madaxa Hormarinta Iskaashiga Caalamniga ee Dowlada Jermalka.

Kulanka ayaa intii uu socday, waxaa ay labada dhinac kaga wada hadleen Deeqaha Dowlada Jermalka ay Siiso Dowlada Soomaaliya iyo Sidii Qeybta Gobolada Koonfur Galbeed Loo Kordhin Lahaa loona Dardar gelin lahaa Sidii Bulshada Reer Koonfur Galbeed ay Uga Fa’ideysan lahayeen Mashariicda Dhinacyada Shaqa Abuurka, Dib udhiska, Waxbarashada, Caafimadka, iyo Hormarinta Bulshada, Shirka ayaa sido kale inta uu Socday Waxaa looga hadlay Arimaha Samafalka iyo Kaalinta ay ka Qaadanayso Dowlada Jermalka.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Umahadceliyey Madaxda Safaarada iyo Dowlada Jermalka Kaalinta Hormarineed ay ka Geysanayaan Guud ahaan Dalka Gaar ahaan Gobolada Koonfur Galbeed Waxaana uu ku Dhiirageliyey inay Sii Laba jibaaran Shaqada ay ka hayaan Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 9 people, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close