Wararka

Madaxweyne Lafta gareen oo kulan la qaatay Amb. YAMAMOTO.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo kusugan Magaalada Muqdisho ee Casimada Dalka ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Ku Xigeenka 1aad Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya iyo Sidoo kale Wakiilada Dowladaha USA, Amb. YAMAMOTO, UK Amb. BEN FENDER iyo Mas’uul kasocday EU oo kulanka Madaxweynaha uga Qeybgaleen Aalada Internetka.

Kulanka oo ahaa Mid Saacado Qaatay Inta uu Socdayna Waxaa looga Hadlayey Qodobo ay kamid ahayeen Sidii loo ilaalin lahaa Xasiloonida Guud ee Dalka, Doorashada Waqtigeeda ku qabsoomi lahayd iyo Sidii looga wada shaqayn lahaa Natiijadii kaso Baxday Shirkii u dambeyey ee Dhuusamareeb ka dhacay.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo kulan shaqa u jooga caasimada Muqdisho ayaa intii uu ku sugnaa magaalada waxaa uu kulamo kala duwan uu la yeeshay madaxda ugu sarayso dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo.Image may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people, people sitting, screen, table and indoor, text that says "ATIONS"Image may contain: one or more people, people sitting, screen, office and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close