Wararka
Madaxweyne Lafta-Gareen oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Booliska Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska Booliska Degmada Baydhabo.
Socdaalka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku tagay xarunta Booliska Koonfur Galbeed Ee Magaalada Baydhabo ayaa ku aadanaa sidii uu indha-indheen ugu samayn lahaa shaqada maalinlaha ah ee ciidanka u hayaan shacabka iyo Sidii loogu Dhiira gelin lahaa Sidii Shaqadooda Ay u kordhin lahayen.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa mid mid u booqday Qeybaha kala Duwan Xafiisyada Sida Taraafikada,Minishiimbiyada,Turbataariyada iyo Kuwa Amisom Qeybta Booliska ay Ku leeyihiin Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo.
Madaxweynaha waxaa gormeerka ku wehlinaayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, Saraakiisha Ciidanka Booliska Mileteriga Iyo Kuwa Amisom Gaar ahaan qaybta seddexaad(Secter 3).
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ugu Dambeyn Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Ku amaaney, Sida ay usugeyaan Amniga Magaalada , Waxana Ciidamada Farey in ay sii laba Jibaaran Sugida Amniga.