Wararka

Madaxweyne lafta-gareen oo Dib –ugu Soo laabtey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynhaa Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen oo uu qeyb ka yahay Gudoomiyaha Baarlamanka koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa maanta Dib ugu Laabtey Magaalaada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo wafdigii lasocday waxaa garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo Ku soo dhaweyay ,kusimaha Madaxweynaha kgs ahna Gudoomiye kuxigeenka 1-aad Ee Baarlamanka kg ,Wasiiro ,Xildhibaano,Odayaasha Dhaqanka ,Saraakiisha Ciidamada Qeybahooda kala Duwan iyo Ururada Bulshada Baydhabo iyagoo Soo dhaweyn ka dib kulan la Qaatay labada gole Ee Dowladda Koonfur Galbeed.

C/Casiis Xasan Maxamed Lafta –gareen, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed aya faafahin Ka bixiyay Safarkii Shaqo ugu Maqana Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka,isagoona Sheegey in uu Kullan La soo qaatey Madaxda Sar sare Ee Dowladda Soomaaliya iyo safiirka dalka Qadar u Fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu kasoo laabtay safakii shaqo ee uu ku tagay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu uu ugu si dudbay Degmada Walaweyn Ee Gobolka Sh/hoose halkaas oo uu kula kulmay qaar kamida masuuliyiinta degaankaas iyo shacabka ku nool deeganada Walaweyn.

qaar kamida bulshada ku dhaqan degmada Walaweyn ayaa muujiyay cabashadooda waxaa ayna badanaa ka hadleen dhibaatada ay ku hayaan kooxa bur cad ah oo wadooyinka u galo shacbka deeganadaas u soo safraayo. Image may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 13 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoorImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close