Wararka
Madaxweyne lafta-gareen oo dadka kasoo jeeda deeganada koonfur galbeed ee kusugan deegaanada kale u sheegay in ay dib uugu soo laabtaan maamulkooda haddii aysan nabad galyo haysan.
Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel garka maamulkaasi ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin faciladii is-xig xigay ee ka dhacay deegaanada maamulka galmudug.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan eheledii iyo qaraabadii dadkooda lagu laayey weerarkii Gaalkacyo waxaa uuna sheegay in dadka reer Koonfur galbeed ay is dajiyaan oo ay ka war sugaan dowlada dhexe iyo maamulkiisa.
Madaxweyne lafta-gareen ayaa maamulka, odiyaasha, iyo culima’udiinka Galmudug ka codsaday In si deg deg ah wax looga qabta ficilada guracan ee loo gaysanaayo dadka ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed, dadkii ka danbeyay weeraradii ii-daba joogay ee lagu laayay dad aan waxba galabsanna cadaalada la horkeena.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale muwaadiniinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee kusugan deeganada kale u sheegay in haddii aysan nabad galyo ku haysan goobaha ay joogaan ay dib ugu soo laabtaan Koonfur galbeed.