Wararka
Madaxweyne Lafta Gareen oo balan qaaday gogol wada hadal ah.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa si weyn loogu so dhoweyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Magaalada Xudur waxaa degamada kusoo dhaweeyay maamulka degmada Xudur kan degmada Bakool iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.
Cabdi Casiis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa markii uu gaaray Degmada Xudur waxaa uu la hadlay shacabkii soo dhaweeyay isagoo ka dhawaajiyay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay mar waliba diyaar u tahay in ay dhigto gogol ay isugu yimaadaan dowlada dhexe iyo dowlada federaalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Puntland oo ahaa in shacabka ka soo jeeda Puntland ay midib takoor kala kulmaan maamulka Koonfur Galbeed waxaa uuna sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ay leyihiin xeriir wanaagsan oo soo jireen ah.