Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Tababar Usoo Xidhay 250 Askari oo Ka Tirsan Ciidanka Birmadka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland iyo masuuliyiin kale.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in farxaddani iiraacdo farxaddii 01 Ogoosto 2019 sanadguuradii 21-aad oo aan aragnay cududda iyo xirfadda ciidankeena, waxaanna is leeyahay cadawgii Puntland isagoo awelba calool xumo qabey maanta ayaa ciidamada Puntland Adhaxda ka jebiyeen, ciidankani waxay ku guulaysteen tababarkoodii: ayuu Yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wato ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraashiishta puntland amar ku siiyay In tababarka ciidanka la joogteeyo.

“ waxaan faraynaa oo kula dardaarmaynaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraashiishta In tababarka ciidanka la joogteeyo oo la dedejiyo xeryahooda iyo rugaha ciidanka” Ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan Karaash.Image may contain: 4 people, beardImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: one or more people, people standing, sky, basketball court, shoes, child and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, basketball court, beach, child, outdoor and natureImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: sky and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close